DHAGEYSO:Khasaar kala duwan oo ka dhashay dab qabsaday Kaalin Shidaal oo Bacaadweyn ku taalla

Khasaare Nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dab Xalay Qabsaday kaalin shidaal oo ku taala Magaalada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Dabka ayaa ku sii fiday goobe kale oo ka ag dhawaa Kaalinta shidaalka taasoo Qasaaraha sii badisay waxaana dabkaas ku dhaawac may ugu ayraan Sideed Qof oo badankood ahaa dadkii ka qayb qaadanayay daminta dabkaasi.
Maamulka degmada Gaalakcyo iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa ugu danbayntii ku guulaystay inay dabkaasi damiyaan.
Ganacsadihii lahaa Kaalinta Shidala ee Xalay ku gubatay deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegay inuu dabku ka bilowday Haamaha kaydka shidaalka oo qarxay sidoo kalena uu gabi ahaanba burburiyay Kaalintii shidaalka .
Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka mudug ayaa sheegay in deegaankaas uusan lahayn gaadiidka dab damiska ah Sideeda Ruux ee dabkaas ku waxyeeloobayna labo ka mid ah Xaaladoodu liidato oo lagu dawaynayo isbitaalka weyn ee degmada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here