DHAGEYSO:Khasaaraha ka dhashay daadadkii Xalay ku rogmada Magaalada Qardho korortay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay daadadkii Xalay ku rogmaday Xaafado ka tirsan Magaalada Khardho ee Xarunta Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar.
Ciidamada Qeybta Booliska Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas ku nool ayaa waxaay dhankooda wadaan Gurmadyo kala duwan,waxaana dhaqaatiirta Isbitaalka Khardho ay sheegeen in loo keenay ilaa 7 Ruux oo Meyd ah,kuwaasoo daadadka ku dhintay.
Dadka Xaafadaha qaar laga soo badbaadiyey iyo kuwa ku dhintay ayaa waxaay u badan yihiin Carruur ka carari waayay daadadka,waxaa sidoo kale burburay Goobihii Ganacsiga ee Magaaladaasi ku yaalay.
Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Xubno la socda ayaa Maanta waxaay u ambabaxeen Magaalada Khardho ee saamayntu ka soo gaadhay daadad xoogan oo ku rogmada.
Khardho ayaa waxaa kusoo rogmaday daadad ka dhashay roob saacadihii la soo dhaafay halkaasi ka da’ayay oo sababay dhimasho iyo burbur.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa intuu halkaas ku sugan yahay wuxuu kormeer ku sameynayaa Goobaha uu daadka saameeyey,isagoo sidoo kale la kulmi doona Maamulka degmada kalana hadli doona Arrimaha hada taagan.
Waxaana dhanka kale wali Magaalada Khardho ka socda Gurmad kala duwan oo lagu soo badbaadinayo dad ku go’doonsan Xaafadaha qaar ee Magaaladaasi.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Qardho ee Gurmadka Sameeyay ayaa sheegay inay halkaas dhibaato badan ka dhacday.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmashada dadka ay dhibaatadu soo gaartay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyadoo dalka Soomaaliya ay dhanka kale ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda la isugu geynayay maan iyo muruq.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul.
Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda inay Guddi Gurmad Qaran ah u saarto musiibada daadadka ku soo rogmaday Magaalada Qardho wuxuuna Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku waxyeelowday.
Dhanka kale waxaa Magaalada Jowhar ka jira Cabsi laga qabo inuu Magaaladaasi Fatahaado ka sameeyo Wabiga Shabeelle ee halkaas Mara.
Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada ee halkaas ku sugan ayaa digniin u diray dad uu sheegay inay si qarsoodi ah wabiga Qarkiisa u jabiyeen si ay biyuhu u gaaraan beerahooda oo ka fog wabiga shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here