DHAGEYSO:Khasaare hantiyadeed oo ka dhashay dab ka kacay goobo ganacsi oo Dhuusmaareeb ku yaala

Waxaa Saacado kaddib lagu guuleystay in la demiyo dab Xooggan oo khasaaro gesytay kaasoo Maanta ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Galmudug.
Dabka ayaa waxaa uu markii hore ka bilaawday kaalin Shidaal oo ku taalla Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ku fiday goobo Ganacsi oo kaabiga ku yahay Kaalintaas Shidaalka.
Qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb & Maamulka Magaalada ayaa dadaal farabadan oo ay sameeyeen kaddib waxay ku guuleysteen in dabkaasi la demiyo wallow ay Khasaare hantiyadeed ka dhalatay.
Qaar kamid ah Ganacsastada leh goobaha Ganacsiga ee uu dabka saameeyay ayaa sheegay in Magaalada Dhuusamareeb aysan laheyn hal gaari oo dab demis ah, isla markaana ay tahay arrintaasi nasiib darro maadaama ay tahay Magaalo weyn oo Ganacsiyo fara badan ay ku yaalaa sidoo kalena marar badan ay sidaan oo kale dabab uga kaceen.
Waxaay sheegeen in dabkii Maanta qabsaday Goobaha Ganacsi ee ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb uu sababay khasaaro hantiyadeed oo fara badan, hayeeshee ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo yareyn lahaa ugu danbayntiina ay damintiisa ku guuleysteen.
Shacabka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug waxay codsadeen in magaalada dab damisyo loo helo ka dib markii dhowr jeer dab khasaare geystay uu magaalada ka kacay hanti badana uu baab’iyay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowr jeer oo hore uu sidaan oo kale dabka uga kacay,kaasoo geystay khasaaro hantiyadeed,waxaana caqabado koowaad ay Bulshada Magaalada ku sheegeen in Magaalada aysan laheyn Gawaarida dab demis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here