DHAGEYSO:Kiisaska gudniinka gabdhaha ee Tana River oo yaraaday

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta Rehema Xassan ayaa sheegtay inuu hoos u dhac ku yimid kiisaska la xiriira gudniinka gabdhaha lagula kaco ee nooca fircooniga.
Waxay tani ku tilmaantay guul u soo hooyatay dowlad deegaankaas kaddib olole ballaaran oo ay iska kaashadeen qeybaha bulshada gaar ahaan dhalinyarada

Qaar ka mid ah dhalinyarada iyo shakhsiyaadka u ololeeya in la ciribtiro gudniinka loo yaqaano FGM-ka ayaa sido kale xusay inay sii wadayaan dadaalada dhaqankan ka dhan ah si bulshada loo wacyigeliyo.
Sido kale waxay doonayaan inay meesha ka saaraan fikradda ah in marba hadii aan gabdhaha nooca fircooniga loo gudin aan la guursan karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here