DHAGEYSO:Kiiska gabadh lagu faraxumeeyay Wajeer oo bisha toddobaad maxkamadda la geyn doono

Taliyaha booliska ee ismaamulka Wajeer Thomas Ngeywa ayaa sheegay inay ku howlan yihiin baaritaano ku aaddan dhacdo gabadh dhawaan lagu faraxumeeyay tuulada arbaqeeramso ee dowlad deegaankaas.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in falkaasi lagu eedeynayo mas’uul ah ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka .
Mr. Thomas ayaa xusay in maalinka khamiista oo ay taarikhdu ku beegan tahay 2-da bisha Toddobaad ay maxkamadda geyn doonaan eedeysanaha .
Ehellada gabadha la faraxumeeyay ayaa doonaya inay caddaalad helaan waxayna sheegeen inaynan marnaba oggolaan doonin qaabka ay soomaalida dhacdooyinkan oo kale ku xalliso ee loo yaqaano maslaxada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here