DHAGEYSO:Koobka 60 Guurada Xoriyadda Soomaaliya oo Muqdisho laga daah furay

Guddiga qaban-qaabada munaasabadaha xorriyadda Soomaaliya ayaa daah furay tartanka koobka 60 guurada xorriyadda iyo midnimada Qaranka Soomaaliya.
Tartankaan oo soconaya ilaa kowda Bisha luulyo oo ku beegan midowgii iyo yagleelidii dowladii Soomaaliyeed ee ugu horaysa ayaa lagu qabtay Garoonka Kubada Cagta ee Eng Yariisow ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Xiirka kubada cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa ka hadlay u diyaar garowgood Tartanka iyo ahmiyada uu umada Soomaaliyeed u lee yahay.
Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo khadiija Maxamed Diiriye ayaa dhankeeda sheegtay inuu tartankaan muhiimada weyn u leeyahay maamuuska Maalmaha Xoriyada Soomaaliyeed oo hada Lixdan jirsaday.

Gudoomiyaha gudiga qaran ee qaban qaabada maalmaha Xoriyada Soomaaliya ahna wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo furay tartanka todobaadka Xoriyada iyo Maamuuska Midnimada umada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciyaarta ugu danbaysta ah lagu qaban doono Tuulada Ciyaaraha Soomaaliya Staduim Muqdisho oo hada dib u dayactirkeedii la soo gabagabeeyay kadib markii lagu dhisay barnaamijka isxilqaan ee Madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here