DHAGEYSO:Koonfur Galbeed iyo hirshabeelle oo iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah AL-shabab

Maamul gobol Koonfur-galbeed iyo hirshabeelle ayaa Heshiis ku gaaray inay iska gaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab si looga saaro Gobolada ay shabaabku kaga sugan yihiin labadaas Maamul.
Kulan ay Magaalada Baydhabo ku yeesheen Madaxweyneyaasha Labadaan maamulka C/casiis Xassan Maxamed Lafta Gareen iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan sida ay dagaalka Al-shabaab isaga kaashanayaan.
Kulankaas ayaa waxaa diirada lagu saaray wadashaqaynta labada maamul gaar ahaan in si wada jir ah loo wajaho dagaalka AL-shabaab.
Gabagabadii Kulanka waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ay wada jir ugu saxiixan Yihiin Madaxweyne Waare iyo madaxweyne Lafta Gareen waxaana Warbaahinta la wadaagay Warmurtiyeedkaan Wasiirka Warfaafinta koonfur Galbeed Ugaas Xassan Cabdi Maxamed.

 

Iskaashigaan labada maamul ayaa ku soo aadaya ayadoo horay iskaashi kale ay Magaalada Garowe ugu wada Saxiixdeen maamulada Koonfur Galbeed,Hirshabelle iyo Puntland,Balse hada waxay u muuqadaan in iskaashigaan Hirshabeelle iyo koonfur Galbeed oo yimid maadaama labadaan maamul deegaano badan oo hoos yimaada sida gobolada Labada shabelle,Hiiraan,Bay iyo Bakool ay ku xooggan Yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab ayna ka mid yihiin meelaha ay dhibaatooyinka ugu badan ka gaysta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here