DHAGEYSO:Koonfur Galbeed oo faahfaahisay Xaaladda fatahaadaha

Wasiirka gar-gaarka iyo maareynta musiibooyinka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdnaasir Cabdi Caruush ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay inay dar-dargeliyaan howlahooda ku aaddan taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.
Wasiirka oo ka hadlayay kulan ay Muqdiho ku yeesheen Guddiga samata bixinta Dadka uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle ee Koofur Galbeed ayaa Tilmaamay inuu si wanaagsan u socdo gurmadka, iyagoo la kaashanaya Dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka eek a howlgala deegaanada Maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Wasiirku wuxuu sheegay in Degmooyinka Afgooye, degaanno ka tirsan Marka, Wanla-weyn iyo Aw-dheegle ay si weyn u sameeyeen fatahaadda Webiga, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay Wasaaradda Caafimaadka KG oo Dadka barakacay la garab taagan taakuleyn iyo wacyi gelin ku saabsan xanuunka Coronavirus.
In ka badan 40 kun oo Qof ayuu sheegay Wasiirku inay saameysay fatahaaddu, halka 15,000 ay ku barakacday, wuxuuna intaa ku daray in Dadkaasi qaar ka mid ah loo qaybiyay Lacag, qaarna Raashiin iyo Agabka kale, isagoo ku cel-celiyay ka mahad-celinta doorka Bini’aadam-nimo ee ay hay’adaha samafalka, Dowladda dhexe iyo maamulka KG ka geysteen taakuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Dhanka kale Wasiirka wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka digay in dhaqaalaha loogu talagalay dadka uu Saameeyay fatahaada Wabiga shabeelle la musuqmaasuqo isagoo shuruud ku xiray bixinta lacagtaas.
Lacagtaan oo dhan Nus Milyan ayaa waxaa uu sheegay Wasiir Beyle in aysan bixin doonin haddii aan la helin hanaan cad oo looga hortagi karo in la musuq maasuqo.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Guddiyo ka shaqeeya Arrimaha gargaarka degmada Afgooye iyo maamulka Koonfur Galbeed in lagu wareejiyo lacagtaasi si qaabka saxda ah loogu gaarsiiyo shacabka halkaas ku dhibaatasyan ee ay fatahaaduhu Saameeyeen.
Lacagtaan oo dhan nus Milyan ayaa 20 berri ka hor waxaa ballanqaaday Ra’iisul Wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Kheyre xiligaas oo ay bilowdeen fatahaadaha gobolka shabeellada Hoose wallow aan wali la bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here