DHAGEYSO:Koonfur Galbeed oo sheegtay inay fashilisay qaraxyo ay Shabaab abaabuleen

Wasaaradda amniga Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay ka hortageen oo ay Fashiliyeen Qaraxyo dagaalameyaasha Al-shabaab ay doonayeen inay ka Fuliyaan magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Golaha wasiirada Maamulkaas Warbixin Siinayay ayaa sheegay in Howlgalada ay Ciidamadu Sameeyeen lagu dilay ilaa 11 Xubnood oo Al-shabaab ka tirsan sida uu Tilmaamay.
Ilyaas Xassan Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed oo magaalada Baydhaba warbahainta kula hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ay Fuliyeen howlgalo gaar ah oo AL-shabaab ka dhan ah kuwaasoo ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Baay,laguna Dilay Xubno Al-shabaab ah ayna ku fashiliyeen howlgaladaasi Miinooyin dhulka lagu aasay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here