DHAGEYSO:Koonfur Galbeed oo sheegtay inay isu soo dhiibeen xubno badan oo Shabaab ah

Saraakiisha Ciidanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa waxay sheegeen inay sii kordhayaan Xubnaha horay uga Tirsanaa dagaalameyaasha Al-shabaab ee hadda go’aansaday inay kooxdaas isaga soo baxaan ee Ciidanka dowladda ay isgu soo dhiibaan ayagoo ka faa’iidaysanaya Cafiska guud ee uu madaxweynuhu u fidiyay.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada amaanku ay gobolka Bakool ku soo bandhigeen Xubin ka tirsanaa dagaalameyaasha Al-shabaab oo ciidanka isku soo dhiibay.
C/laahi Xassan Taliyaha Ciidanka booliska Gobolka Bakool iyo Taliyaha Ururka 51 Deerow Macalin Cabdi oo labaduba warbaahinta kula hadlay gobolka Bakool ayaa waxay sheegeen in toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen Xubno badan oo ka mid ah dhalinyarada horay Shabaab ugu biiray oo la soo xiriirayay si ay isugu soo dhiibaan Ciidamada amaanka ayna uga soo goostaan AL-shabaab iyagoo intaas ku daray in dhalinyarada qaarkood ay Cadaadis wajahayaan taasoo ku qasabtay inay isa soo dhiibaan.
Sarakiishaan ayaa waalidiinta ugu baaqay inay ubadkooda ka taxadaraan dhalinyaradana waxay ugu baaqeen inay mustaqbalkooda ka fakaraan oo aysan ogolaan in rabshadaha loo adeegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here