Dhageyso:Koonfur Galbeed oo sheegtay inay shabaab Culays saareen magaalada Diinsoor

Degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa ka mid ah Magaalooyin ku yaala gobolada dalka Soomaaliya oo ay go’doomiyeen dagaalameyaasha Al-shabaab waxaana laga soo sheegayaa Xaalad aad u adag kadib markii wadooyinkii Magaaladaas soo Gali jiray ay shabaabku Jareen oo aysan jirin cid ka imaan karta deegaanada kale ee gudaha u soo gali karta Magaalada Diinsoor.
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo warbahainta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in deegaano maamulkaas ka tirsan oo Magaalada Diinsoor ka mid tahay ay Culays Xooggan soo saareen Dagaalameyaasha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here