DHAGEYSO:Koox Ciyaartoy Soomaali ka yimid dalka Ingiriiska oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Ciyaartow iyo Macalimiin uu hogaaminayo gudoomiyaha Sportiga Jaaliyada Soomaalida ee dalka Ingiriisaka ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Agaasimada guud ee wasaarada dhilinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo gudoomiyaha dhanka Sportiga ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhalinyaradaan Qurbaha ka imaanaya wax badan ka sugayaan gaar ahaan dhanka Ciyaaraha.

 

Gudoomiyaha Sportiga Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka ingiriiska iyo qaar ka mid ah macalimiinta ayaa dhankooda sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin inay dalkooda Hooyo ku soo laabteen sidoo kalen Soo dhaweyn balaadhan loo sameeyay.

Gudoomiyaha ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir ayaa dhankooda sheegay inay bogaadinayaan imaanshaha Ciyaartoydaan iyagoo u rajeeyay inay qayb weyn ka noqdaan hormarka Ciyaaraha ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here