DHAGEYSO:Ku dhawaad boqolkiiba 40 ee ardayda oo aan weli ku biirin dugsiyada sare

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in ku dhawaad boqolkiiba 40 ee ardayda sannadkii hore dhameeyay dugsiyada hoose dhexe aynan weli ku biirin dugsiyada sare.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuunan marnaba ka daali doonin dadaalka uu ugu jiro ka dhabeynta qorshaha dowladda.
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa sheegay in ardayda ka soo gudbiya dugsiyada hoose dhexe boqolkiiba boqol la doonayo inay ku biiraan dugsiga sare.
Prof .Magoha ayaa dhanka kale saraakiisha wasaaradda waxbarashada , kuwa ammaanka iyo guddoomiye xaafadeedyada ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii ardayda ay isaga xaadirin lahaayeen dugsiyada u soo baxay.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dowladda ay toddobaadkii hore muddo hal isbuuc ah ku kordhisay mudada ardayda loo qabtay.
Mudadaas ayaa ku ekeyd 17-kii bishan balse waxay ardayda haystaan ilaa iyo maalinka jimcada ee toddobaadkan oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa guda galay inuu tago dugsiyada si uu u ogaado tirada ardayda ee aan weli iska xaadirin.
Sido kale waxaa uu shalay tagayay xaafadaha deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi si uu waalidiinta uga wareysto sababta aynan carruurtooda weli dugsiga sare u gaynin.
Magoha oo nambarka mid ka mid ah waalidiinta ka qaatay maamulaha dugsiga kaddibna la hadlay ayaa su’aalahan weydiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here