DHAGEYSO:Ku xigeenka barasaabka Kirinyaga oo sheegay inaynan diyaar u ahayn la tacaalidda coronavirus

Guddoomiye ku xigeenka dowlad deegaanka Kirinyaga ee gobolka bartama dalka Peter Ndambiri ayaa sheegay in islaamulkaas uunan si buuxda ugu diyaar garoobin la dagaalanka cudurka COVID-19.
Gaabadka jiro ayuu mas’uulkan ku aaneeyay isqabqabsi ka dhexeya wakiilada deegaanada hoose iyo barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru.
Madaxdan ayuu ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u xalliyaan khilaafka ka dhexeya oo hakad geliyay meel marinta miisaaniyadda dhaqaale.
Sido kale Mr. Ndamburi ayaa carrabka ku dhuftay inaynan diyaarin ugu yaraan 300 oo ah sariirrada gaarka u ah bukaanada COVID-19.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in ilaa iyo hadda la diyaariyay 14 sarriir oo ku jiro qeybta gaarka ah ee isbitaalka weyn ee deegaanka Kerugoya .

Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr.Mutahi Kagwe uu shaaciyay in 20 xaaladood oo dheeraad oo coronavirus laga xaqiijiyay Kirinyaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here