DHAGEYSO:Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo ka hadlay sharci beddelka

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday inaynan guulaysan doonin cid waliba oo isku dayaysa inay qaab aan sax ahayn ku beddesho dastuurka wadanka u degsan.
Dr. Ruto ayaa hoosta ka xariiqay in isbeddel waliba oo lagu sameynayo sharciga dalka ay khasab tahay inay dadweynaha qeyb ka noqdaan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inaynan suurtagal ahayn in wadanka uu ka dhaco olole ku aaddan afti qaran iyadoo taasi aynan ku saleysnayn danta guud ee shacabka.
William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Vihiga ee gobolka galbeedka dalka ayaa uu ku taliyay in lagu cibra qaato hindise sharciyeedka Punguza Mizigo ee Dr. Ekuru Aukot kaasi oo ismaamulo dhowr ah laga diiday.
Ku xigeenka hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in hadda la joogo waqtigii dadweynaha loo adeegi lahaa sidaasi awgeedna aan marnaba loo baahneyn in siyaasad lagu mashquulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here