DHAGEYSO:Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo u jawaabay Keriako Tobiko

Xilli uu shalay ku sugnaa degmada Athi River ee ismaamulka Machakos ayuu madaxda uga digay inay ku mashquulaan falal iyo jeedinta hadalo kala qaybsanaan ka dhex abuuri karo.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in sarkaal kasta oo xil haya oo doonaya inuu jago siyaasadeed u tartamo looga baahan yahay inuu sugo sannadka 2022-ka.
Isagoo u muuqdo inuu si dadban ugu jawaabayo wasiirka wasaaradda deegaanka Mr. Keriako Tobiko ayuu Ruto sheegay inaan sumcad siyaasadeed lagu helayn aflagaaddo , xushmad darro , kibir iyo xabad garaac.

Hadalka ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan wasiirka deegaanka uu Ruto ku tilmaamay karaaniga hoggaamiyaha wadanka Uhuru Kenyatta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here