DHAGEYSO:Kulan Dib u habayn loogu Samaynayay sharciga Kaluumaysiga Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Siihayaha Xilka Wasiirka wasaaarda Kaluumaysiga Soomaaliya ayaa soo xiray shir wada tashi ah oo ku aadan sharciga iyo xeer nidaamiyaasha kaluumaysiga dalka Soomaaliya.
Kulankaan oo dhowr Maalmood ka socday ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiinta wasaaradda Kaluumaysiga,Xubno ka socday Maamul goboleedyada iyo Masuuliyiin kale oo Xildhibaano iyo aqoonyahano ka mid yihiin.
Maxamuud Sh C/laahi Badri agaasimaha Guud ee Wasaaradda kaluumaysiga iyo Khayraadka badda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixinaya sharcigaan iyo qodobada uu ka kooban yahay.

Wasiirada Kaluumaysiga ee Maamul goboleedyada ayaa dhankooda bogaadiyay sharcigaan dib u habaynta lagu Samaynayo oo la doonayo inuu la Jaan-qaado xeerarka dalka Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah.

Xildhibaan Sakariye Xaajo Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacbiga Soomaaliya ayaa isna sheegay in shracigaan uu leeyahay labo muhiimadood oo tan koobaad tahay in ciidanka badda Soomaaliya ay oo qaqaban karaan dadka sida sharci darada ah biyaha Soomaaliya uga kaluumaysanaya.

Ugu danbayntii wasiirka wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dowladda Soomaaliya C/laahi bidhaan Warsame ayaa sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here