DHAGEYSO:Kulan duco ah Nairobi loogu qabtay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Kulan ay isugu yimaadeen qaybaha bulshada Soomaaliya,Siyaasiin xilal soo qabtay kuwa hada haya iyo Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa loogu duceeyay gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii Magaalada Nairobi.
Dhamaan xubnihii kulankaas ducada ah ka soo qayb galay ayaa Marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi muwaadin dhab ah oo Soomaalinimadu ay ku weynayn.
Wasiirkii hore ee wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir sh Cali Diini,wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Soomaaliya Axmed Cumar iyo Senetor Zamzam Daahir oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa dhamaantood waxay qireen inuu gudoomiye Yariisow ahaa qof dowladnimada lafdhabar u ahaa.

 

Safiirka dowlada Soomaaliya u jooga dalkani Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay Marxuumka mudo badan isla soo shaqeeyeen ayaa isna faahfaahiyay waxa uu ka yaqaano ALLAH ha u naxariistee gudoomiyihii gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here