DHAGEYSO:Kulan ka dhacay caasimadda Galmudug

Shir odayaal dhaqan ay ku lahaayeen caasimadda galmudug ee Dhuusamareeb ayaa shalay gelinkii danbe uu ka soo dhex muuqday jeneraal Mascuud Maxamad Warsame taliya guutada 15aad ee qaybta 21aad.
Jeneraalka ayaa maalmo ka hor gacanta ku dhigay hub yaalay madaxtooyada galmudug oo ay lahaayeen ciidamadii ahlusunna ee isaga uu ka midka ahaa
kulankaasi odayaasha ee Mascuud uu ka soo dhex muuqday ayaa loo fasiray in ay odayaasha oo ku hayb ah jeneraalka ay ku garab taagan yihiin gacan ku haynta hubkaasi.
Balse ugaas Xasan ugaas Maxamad Ugaas nuur iyo odayaasha kale ee jananka la kulmay waxaa ay beeniyeen in ay ka wada hadleen hubka iyo arimihiisa, waxaana ay sheegeen in kulankooda uu ku saabsanaa colaaddii ka dhacday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Ugaaska oo aan qadka taleefoonka kula hadalney ayaan marka hore ka warramaya waxa uu kulankooda ku saabsanaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here