DHAGEYSO:Kulan ku saabsan warbixinta BBI oo lagu qabtay Mombasa

Waxaa shalay fagaaraha Mama Ngina ee magaalada Mombasa , gobolka xeebta ee dalka lagu qabtay isku soo bax ballaaran oo ku saabsan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Hoggaamiyaasha xeebta ayaa soo bandhigay qaraar ka kooban 16 qodob oo ay doonayaan in lagu biiriyo warbixinta kama dambeyska ah ee BBI.
Waxaa soo jeedinnada akhriyay barasaabka dowlad deegaanka Kilifi ,Amason Kingi oo ku warejiyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ahna madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga.
Arrimaha ay doonayaan waxaa ka mid ah, kobcinta dhaqaalaha , in xal loo helo dhibaatooyinka dhanka dhulka, xadgudubyo taariikhi ah oo dhacay iyo inay ka dhex muuqdaan hoggaanka dalka marka la ballaariyo golaha fulinta.
Amason Kingi ayaa xusay in dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyo dekadda inay fududeynayso ganacsiga gaadiidka sido kalena dhalinyarada ay shaqa abuur u sameynayso.
Sido kale waxay soo jeedinayaan in la soo dhiso wasaarad heer qaran ah oo qaabilsan maareynta dhaqaalaha ka soo xaroodo badda.
Inay jirto sinnaan dhanka fursadaha tacliinta iyo in bulshada si weyn looga qeyb geliyo ka shaqeynta ammaanka.
Madaxda ayaa sido kale codsanaya inuu jiro maamul boolis oo qaabilsan la tacaalidda falalka argagixiso ee saameeyay xeebta sida uu faahfaahinayo Amason Kingi.

Kulanka shalay ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo isugu jiray guddoomiyaasha ismaamullada, senetarro, xildhibaano, wakiilada haweenka iyo wakiillada golayaasha hoose ee loo yaqaano MCAs.
Siyaasiyiintan oo matalayay xisbiyo kala duwan ayaa sheegay in warbixinta BBI dhaqangelinteeda ay dani ugu jirto dalka maadaama lagu raja weyn yahay inay wadanka u horseedeyso midnimo buuxda iyo horumar.
Barasaabyada ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ee gobolka Waqooyi bari ee kala ah Cali Bunow Qorane, Maxamad Cabdi Maxamuud iyo Cali Ibraahim Roba oo shirka Mombasa ka dhacay ka qeyb galay ayaa sheegay inay taageerayaan warbixinta BBI
Senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare , Mr. Kipchumba Murkomen ayaa dhankiisa xusay in isku imaatinka maanta uu meesha ka saaray kala qeybsanaantii iyo far isku fiiqii siyaasadeed.
Wuxuu intaas ku daray in dalka ay ka dhici doonto afti wax looga beddelayo dastuurka haatan u degsan.

Hoggaamiyaha xisbiga ODM, Raila Odinga ayaa carrabka ku dhuftay inaynan jirin cid hor istaagi karto isbeddelka dalka ka socdo.
Wuxuu xusay in xal u helidda caqabadda dhanka dhulalka ee xeebta aynan ku koobneyn oo keliya sabarloogooyin la bixiyo sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in xal waara la helo.
Raila Odinga oo dareenkiisa ku biiriyay qodobbada ay soo jeediyeen siyaasiyiinta ismaamullada xeebta ayaa sheegay inay taageerayaan dhaqangelinta dhammaan dalabaadka shacabka iyo madaxda gobolka.

Mr. Odinga ayaa sido kale soo hadal qaaday kulankii dhex maray isaga iyo Uhuru Kenyatta wuxuuna beeniyay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ahaa in Odinga uu kulankaas ka hor la soo xiriiray.

Isku soo baxa shalay lagu qabtay magaalada Mombasa ayaa ah midkii saddexaad ee shacabka lagu wacyigelinaya waxaana toddobaadyadii la soo dhaafay kulamo noocan oo kale ah ay ka dhaceen ismaamullada Kisii iyo Kakamega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here