DHAGEYSO:Kulan looga hadlay Xaalada Beledweyne oo Muqdisho lagu qabtay.

Shir ku saabsan madasha Arimaha bini’aadanimo Soomaaliya,isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxa Maanta Kulan deg deg ah ku yeeshay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha, Ururada Caalamiga iyo kuwa Gudaha ee Arimaha Bini’aadanimada,waxayna shirkaasi uga hadlayeen Xaaladaha Bini’aadanimo ee hhatan ka taagan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Shirka ayaa waxaa siweyn loogu gorfeeyey dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha Wabiga Shabeelle si gaar ah saamaynta Magaalada Baladweyne iyo sidii dadkaasi gurmad weyn loogu sameyn lahaa maadaama xilligaan ay xaalad dag ku jiraan.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka dowlada fedraalka Soomaaliya Xamza Saciid Xamza oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ayaa sheegay in kabadan 50-kun oo qof inay ka barakaceen Magaalada Baladweyne oo daadadku ay harqiyeen dadkaasoo xiligaan wajahaya xaalado aad u adag una baahan Gurmad deg deg ah.
Waxaa uu sidoo kale Wasiirka ka hadlay sida ugu fudud ee dadkaasi loogu sameyn lahaa gurmad,maadaama xilligaan ay wajahayaan xaalad adag,sidoo kalena Garoonka diyaaradaha Baladweyne uu u xirmay roobabka ka da’ay Magalada Baladweyne ayadoo jidadkana ay intooda badan biyuhu gooyeen ayna adag tahay in loo kala gudbo xaafadaha Magaalada Beledweyne.
Shacabka qaar ayaa Xaafadaha Magaalada Baladweyne ku go’doonsan waxaana saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle uu halkaas ka Sameeyay.
Inta badan Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa waxa buux dhaafiyey Biyaha kasoo baxay Wabiga ee fatahaada ah,waxaana taasi ay sababtay in dadka qaarkood ay Magaalada ka bixi waayaan.
Warbaahinta Gudaha Magaalada Baladweyne Soo sheegaysa inay dad badan la soo xiriireen kuwaasoo ku go’doonsan Xaafadaha Magaalada,una baahan in la badbaadiyo.
Hal doon oo kaliya ayaa la sheegay inay Saaka gurmad kala duwan ka waday Gudaha degmada Baladweyne,taasoo dhanka kalena raadineysa dadkii ay doonta la rogmatay shalay.
doomankale Magaalada ka Howlgalayaya ayay Wararku sheegayaaninay ciladoobeen.
Gebi ahaan waxaa xiran Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne,waxaana muuqaalo laga soo duubay ay muujinayeen Isbitaalka oo Biyo farabadan ay dhex-jiifaan,isla markaana dadka waxyeeladu soo gaarto aysan heysan meel lagu daweeyo.
Xaalad aad u adag ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Baladweyne,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay tagaan Wafdiyo kala duwan oo qaarkood uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare iyo Guddiga gurmadka uu Magacaabey.
Shacab kale oo ku noolaa tuulooyinka duleedka ka ah Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka ayaa lagu soo waramayaa inay halkaas gudoon ku yihiin gudiga gurmadka ayaa sheegay in ilaa 10 qoysas ah ay ku xaniban yihiin tuulooyinkaas kuwaasoo aan haysan doomo ay uga baxaan goobaha ay ku go’doonsan yihiin.
Wabiga Juba ayaa isna waxaa lagu soo waramayaa inuu fatahado ka sameeyay deegaanka Goob weyn ee duleedka degmada kismaayo.
Wararka ka imaanaya deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaas Maanta fatahaad uu ka sameeyay Webiga Jubba.
Dadka ku nool deegaanadaas ayaa sheegay in Wabiga Jubba uu ku fatahay deegaanka Goobweyn, isla markaana dadkii ku sugan xaafadda Towfiiq ee deegaankaas ay gebi ahaan isaga barakaceen guryahooda
Sidoo kale waxaa hakad galay goobihii Waxbarashada, Ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha, kadib markii ay biyo badan buux-dhaafsheen gudaha deegaanka loo dalxiiska tego ee Goobweyn oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa burburay dalagii beeraha ee ku teedsanaa Jiinka Webiga Jubba sida uu u xaqiijiyay Warbaahinta gudaha Soomaaliya Guddoomiyaha deegaanka Goobweyn Cumar Cabdi.
Taliyaha Ciidanka Jubbaland Generaal Aadan Maxamuud Ibraahim oo kormeeray dhibaatada ka dhalatay Fataahadda wabiga ayaa shacabka ugu baaqay in la garab istaago dadka ay dhibaatadu gaadhay
In ka badan shan degmo oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa saameeyay fatahaadaha wabiga iyo sidoo kale roobabka xooggan ee ka da’aya gobolada dalka Soomaaliya balse sida xaqiiqada ah magaalada Beledweyne ayaa ah halka ugu daran ee ay ka jirto saamaynta ugu weyn.
Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo loogu gurmanaya boqolaalka qoys ee ay saamayntu Soo gaadhay ee gobolada dalka Ku sugan, waxanaa sidoo kale Gurmadka Gaabis galiyay Magaalooyinka Qaarkood oo ay xidhmeen goroomadii diyaaradaha sidoo kale amaanka dalka Soomaaliya oo aan wanaagsanayn ayaan saamaxay in meelaha qaar la geeyo gurmad dhulka Soo mara.
Balse madaxweyna Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajao ayaa qaybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay inay dhamaan ka wada qaybtaan gurmadka dadkaasi.

Gudiga uu maalmo ka hor Ra’isulwasaaraha Soomaaliya u magacaabay gurmadka Fatahaada ayaa sheegay inay markasta Xaaladu sii xumaanayso maadaama fatahaado sii socoto sidoo kalena roobabku ay wali da’ayaan dhamaan waxaa Cirmay wadooyinka Magaalada beledweyne sidoo kalena biyaha ayaa gooyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beledweyne taasoo keentay inaysan wax Gaadiid ah oo aan ka ahayn Diyaaradaha Qumaatiga u Kaca ee HeliCopterka ay halkaas ka dagaan.
Wasirada Gargaarka,Caafimaadka,Waxbarashada,warfaafinta iyo xubno kale oo gudiga ka mid ah ayaa sheegay inay sameeyeen dhowr Taloobo wallow xaaladu tahay mid aan sahlayn.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka hirshabeelle ayaa sheegay in deegaanada maamulkaas ay dhibaatooyin ka jiraan.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegtay in dowlada dhexe ee Soomaaliya aysan maamulka Hirshabeelle garab buuxa ka siin arimaha amaanka sidoo kalena ay markasta u dhexeeyaan abaaro Colaado iyo fatahaado is-daba jog ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here