DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay amaanka degmada Xudur oo magaaladaasi ka dhacay.

Kulan oo soo qaban qaabiyay maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa looga hadlay arimaha amniga iyo Hormarinta Magaaladaasi.
Kulanka waxaa ka qayb galay maamulka Degmada Xudur,Saraakiisha Ciidamada Amaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku Magaaladaasi waxayna isla garteen in ahmiyada koobaad la siiyo sugida amaanka Magaalada Xudur.
Kulankaan oo saacado dhowr ah socday sidoo kalena ay warbaahintu banaanka ka joogtay ayaay masuuliyiinta gobolku sheegeen inay bulshada Rayidka kala hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sudiga amniga iyo ku baraarjinta waxkasta amniga magaaladaasi lidi ku ah.
Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed oo kadib markii kulankaasi soo dhamaaday Warbaahinta la hadlay ayaa Faahfaahiyay muhiimada kulankaan oo todobaad walba maalinka Khamiista ah la qabto isagoo dhanka kalena shacabka deegaanka ugu baaqay inay qayb weyn ka qaataan Dardar Galinta howlaha amaanka ee magaalada Xudur iyo deegaanada ku heeran

 

Shirkaan looga hadlayay amaanka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa imaanaya ayadoo ciidanka xoogga Soomaaliya ay nawaaxiga magaaladaasi ka wadaan howlgalo ka dhan ah xooggaga AL-shabab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here