DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay arimaha Dastuurka Soomaaliya oo Muqdisgho ka Furmay.

Kulan u dhexeeyaya hay’adaha arimaha Dastuurka Soomaaliya Qaabilsan ayaa manta wuxuu ka furmay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka wasaarada Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in xiligaan ay dadka Soomaaliyeed u Baahan yihiin inay kawada hadlaan nooca dowladeed ee ay qaadanayaan maadaama xiligaan hogaanka wadanka ugu Sareeya lagu doorto qaab Baarlamaani ah.
Isagoo intaasi raaciyay in wasaarada Dastuurka Soomaaliya oo asagu uu hogaaminayo ay dadaal dheer ugu jirto ka miradhalinta arimaha Dastuurka si sharciyada dalku ay dhamays u noqdaan.

Wasiirka wasaarada Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa hadalkaan ka sheegay shir looga hadlayaya arimaha Dastuurka Soomaaliya oo Maanta ka furay magaalada Muqdisho.
Wuxuuna wasiirku sheegay inaysan marnaba doonayn Dastuurka Soomaaliya inuu noqdo Mashruuc iska furan oo hanti fara badan lagu lunsado ayna ku dadaalayaan sidii ay dhaqso u dhamaystiri lahaayeen Dastuurka isagoo xusay in Xaaladaha Siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya qaar badan oo ka mid ah ay sababeen Dastuurka qabyada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here