DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay doorashada Soomaaliya oo Nairobi ka dhacay

Qaar ka mid ah Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa Waxay Magaalada Nairobi ku yeesheen Kulan ay kaga hadlayeen arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya gaar ahaan Kuraasta gobolada Waqooyi.
Siyaasiinta Kulankan isug timid ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya,Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabid Xayir Maareeye iyo Siyaasiga Faysal Cali Waraabe.
Qodobadii kulankaas laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa in Doorashada Xildhibaanada gobolada Waqooyi loo Madaxbaneeyo dadka xaqa u leh islamarkaana ay guddiga doorashada iyagu soo dhistaan.
Eng Faysal Cali Wareebe guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland oo ka mid ahaa siyaasiintii shirkaan ka qayb galay ayaa sheegay in dadka ka soo jeeda gobolada Waqooyi ay ku dulman yihiin awood Qaybsiga siyaadada Soomaaliya sida uu hadalkiisa u dhigay maadaama aysan u tartami Karin saddexda kursi ee dalka ugu sarraysa sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Balse ay hada diyaar u yihiin inay kuraastaas u dartamaan.

Hadalkaan ayaa imaanaya ayadoo shalay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya uu sheegay inuu soo magacaabayo guddiga doorashada Kuraasta Gobolada Waqooyi islamarkaana ay doorashadu u dhici doonto habkii loo maray sanadkii 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here