DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay doorka dhaqaalaha ee dhalinyarada oo Baydhabo lagu qabtay

Wasaaradaha maaliyadda iyo warfaafinta ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa dhalinyarada deegaanada Maamulkaas waxay si wada jir ah ugu qabteen kulan dood wadaag ah oo looga hadlayay doorka dhalinyarada ay ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha Koonfur galbeed.
Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyay Ujeedada kulankaan sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyay isbadalka ay ku sameeyeen Dhaqaalaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo guulaha la gaaray ,wuxuuna sheegay muhiimada ay leedahay in kulamada noocaan ah la badiyo.

Ka qayb galayaashaa kulankaan oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka ayaa su’aalo dhaqaalaha ku saabsan Maamulka Koonfur Galbeed waxay waydiinayeen wasiirka Maaliyada maamulkaasi.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo warfaafinta ee Maamul goboleedka Axmed Maxamed Xuseen ayaa Su’aalaha la waydiiyay isana mid mid uga Jawaabay Bulshada,wuxuuna Tilmaamay inay lagama maarmaar tahay koboca dhaqaalaha Maamulka in si wada jir ah looga qayb qaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here