DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay doorka haweenka iyo dhalinyarada ee Siyaasadda oo garowe lagu qabtay

Kulan loogaga hadlayey ka qayb galka haweenka iyo dhallinyarada ee arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Kulankan oo dood iyo aqoon iswaydaarsi isugu jiray ayaa waxaa ka qayb galay ururada haweenka,Wasiiro,dhalinyaro,Maamulka gobolka Nugaal iyo Masuuliyiin kale oo dhamaantooda isla qiray muhiimada ay leedahay inay haweenka iyo dhalinyaradu heleen doorkooda Siyaasadda dalka.
Dr Luul Salaad Ibraahim oo ka socotay xarunta Cilmi Baarista iyo hormarinta aadanaha oo kulankan soo qaban qaabishay ayaa sharaxaysa ujeedada Kulankaan iyo sida uu muhiimka u yahay.
Sidoo kale wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha haweenka iyo Xaquuqul aadanaha maamulka Puntland Sahra kiin Cabdi Xirsi oo kulankaan qayb ka ahayd ayaa baaq ku aadan ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya waxay u dirtay madaxda qaranka Soomaaliyeed.

Cawil Axmed Jabuuti guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo Maxamed Cabdi Rooble Ilyaas Wasiiru dowlaha cadaaladda maamulka Puntland ayaa dhankooda isla qiray inay haweenka iyo dhalinyaradu lafdhabar u yihiin bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay in xaquuqdooda siyaasiga ah ay noqoto mid dastuuri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here