Dhageyso:Kulan looga hadlayay Hormarinta Maxaabiista oo Baydhabo lagu Qabtay

Kulan looga hadlayey arrimaha maxaabiista ayaa magaalada Baydhaba ee Xarunta gobolka Baay sidoo kalena ah Caasimada KMG ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed uga furmay wasaaradaha Cadaaladda Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira.
Kulankaan oo ay wada Jir u soo qabanqaabiyeen Wasaarada Cadaalada Maamulka koonfur Galbeed,Hay’ada ISA iyo CRD ayaa mudada uu socdo waxaa la isku waydaarsanayaa figrada kala duwan oo ku saabsan waxyaabihii Xabsiyada laga Bartay iyo la tacaalida dadka dhimirka ka Xanuunsan ee Xabsiyada ku jira.
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankaan mudada uu Socdo Waxyaabaha ugu Muhiimsan ee looga hadli doono.

Sida uu sheegay Wasiirka Wasaaarada Garsoorka iyo Cadaalada Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen shirkaan ayaa la soo gabagabaynayaa Maanta Khamiis ah kadib markii la isla meel dhigo waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here