DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay nadaafada deegaanka oo Muqdisho lagu qabtay.

Kulan Cilmiyeedkaan looga hadlayay wax ka qabashada nadaafada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Hay’adda Somali Water Partnership iyo Xarunta Biyaha iyo deegaanka Soomaaliyeed waxaana lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxa looga hadlayay sida ugu haboon ee loo Maarayn karo Wasaqda Magaalada Muqdisho dhibaatada weyn ku haysa ayadoo la ilaalinayo dhamaan Nolosha Nafleyda ku Dhex nool Magaalada iyo deegaankaba.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Aqoon yahano iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay Madashaan waxayna Hoosta iskala Xariiqeen Muhiimada deegaanka iyo ilaalinta badbaada Naflaha ku nool.
Aqoon yahanada Mesha ka hadlay ay sheegaya dhibaatada ay Wasaqda u gaysan karto bulshada Magaalada Ku nool hadii aan Xal waara Loo helin iyo Masuuliyadda dowlada hoose ee Xamar oo ay tahay inay ka soo baxdo.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Fowzia Xaaji Adan oo labaduba ka Tirsan Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Muhiimada ay leedahaya dhowrista deegaanka iyo ka ilaalinta Wasaqda islamarkaana la adkeeyo qodobada Dastuuriga ah ee lagu Xakamaynayo nadaafada deegaanka.

Drs Asli Ducaale Gudoomiyaha Hay’ada Somali Water Partnership oo madashaan soo agaasinta ayaa aaminsan in doodaha noocaan ah ay aad muhiim u yihiin ayadoo lagu darayo Wax qabad muuqda si siyaasad Midaysan loogu Wajaho Qorshaha Maaraynta iyo Ciribtirka Wasaqda.

Ayadoo la wada ogyahay muhiimada nadafada diinta Islaamkuna si weyn uga hadashay ayaa hadaana waxaa in badan oo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya Muqdisho ha ugu darnaadee markasta bulshada ku nool Waxay ka Cabataa Nadaafad Darada ka jirta Sababo la xiriira Burburkii dalku Soo Maray iyo inay meesha ka baxeen hay’ado muhiim ah.
Dowladda Soomaaliya waxay hada sheegtay inay dajinayso Siyaada qaran ee nadaafada iyo deegaanka si meesha looga saaro caqabadaha deegaanka ee jira xalna loogu helo dhibaatada nadaafad daradu sababto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here