DHAGEYSO:Kulan looga hadlayo Coronavirus oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ka furmey Shir looga hadlayo ka hortaga Caabuqa Coronavirus oo dad badan ay ugu dhinteen qaar kamid ah dalalka Caalamka.
Shirkana oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Caafimaadka Maamul goboleedyada,waxaana diirada lagu saarayaa diyaar garowga Soomaaliya ee Cudurka Coronavirus.
Shirka oo socon doona muddo laba Cisho ah ayaa waxaa wasiirada ka socda Maamul Goboleedyada lagu Siinayaa talooyin iyo farriimo ku aadan ka horaga Cudurka si ay ula wadaagaan dadka ku nool deegaannada maamulada Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo shirka furtey ayaa sheegtey in ujeedkiisa uu yahay in aan la siyaasadeyn Adeega caafimaadka ee dalka maadaama Cudurka Coronavirus uu si aad ah ugu faafay Caalamka dhan.

Maalinta Beri ah ayaa la filayo in Shirka la soo geba-gabeeyo waxaana laga soo saari doonaa qodobo dhowr ah oo ku saabsan waxyaabihii ay shirka uga hadleen Masuuliyiintuu ka qaybgashay.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxaay soo saartey farriin iyo talooyin loo jeedinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maraya safarada dhinaca dhulka ah si looga digtoonaado Cudurka Coronavirus.
Qraal kasoo baxey Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu shaaciyey 7 Qodob oo muhiim u ah dadka ku safraya dhulka & Badda intaba maadaama la hakiyey duulimaadyada Caalamiga ah ee dalka Soomaaliya,kuwaasoo looga baahan yahay inay qaataan dhamaan talooyinka Caafimaad iyo Taxadar ee wasaaradu u soo jeedinayso.
Qodobada ugu muhiimsan ee ku jira farriinta Wasaaradda ayaa waxaa kamid ah in dadku aysan u safrin wadamada laga helay Cudurka Coronavirus iyo inay dadku kala fogaadaan si aysan isku qaadsiin Cudurka.
Inay masuuliyada iska saaraan xogtooda u gudbiyaan wasaarada Caafimaadka hadii ay ka yimaadaan wadamada xanuunka aadka u Saameeyay si mudo labo todobaad ah loogu hayay Xarumaha gaarka ah ee loogu tala galay badqabka Bulshada.
In dib loo dhigto safarada wadanka gudihiisa ah hadoo qofku isku arko Calaamadaha Hargabka oo ay ka mid yihiin Qandho,Qufac iyo dhuun Xanuun ,ayna ka fogaadaan cidkasta oo leh Calaamadaha Hargabka sidoo kalena aysan Gacan qaadin qofkasta oo calaamadahaas leh.
Inay Maraan goobaha baaritaanada Caafimaadka ee laga Hirgaliyay meelaha dalka Soomaaliya laga soo galayo.
Ugu danbayntii wasaaarda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shacabka ku boorisay inay si joogta ah Gacmahooda u nadiifiyaan ayagoo isticmaalaya biyo iyo Saabuun ama Jeermis dilaha Gacmaha lagu dhaqdo.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Xubno kale ayaa Maanta kormeer ku tageen Xarumo lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Cudurka COVID 19 oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Xarmaha ay booqdeen mas’uuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah Isbitaalka Martiini iyo goobo kale,iyagoo hadalo isugu jira wacyi gelin iyo dardaaran u jeediyey Shaqaalaha Caafimaadka ee ku sugan Xarumahaasi.
Xarumaha loogu talo galey in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Cudurka COVID 19 ayaa waxaa horey u booqdey madax ay kamid yihiin,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo mas’uuliyiin kale oo dowlada ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here