Dhageyso:Kulan u dhexeya aqalka sare , ismaamullada iyo dowladda dhexe oo ka socdo Nakuru

Magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa waxaa ka furmay kulan la qorsheeyay inuu socdo muddo labo cisho.
Waxaa halkaas ku kulmaya xubnaha aqalka sare , saraakiil ka tirsan dowladda dhexe iyo mas’uuliyiinta ismaamullada.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray nidaamka dowlad wadaajinta ee dalka ka dhaqangalay 2013-kii.
Senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay qodobbada mas’uuliyiinta shiraya ay ka wada hadlayaan.

Dhanka kale qaar ka mid ah naafada ismaamulka Kakamega ayaa ka cabanaya in danahooda aan lagu tixgelin warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxay sheegeen in tabashooyinkooda ay ku wareejiyeen senatar Issac Mwaura oo aqalka sare si magacaabid ah ku galay si uu ugu soo bandhigo shirka ka socdo Naivasha

Barasaabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu ayaa dhankeeda soo dhaweysay soo jeedinta BBI ee ah in dhaqaalaha ay dowladda dhexe siiso ismaamullada ee hadda ah boqolkiiba 15 laga dhigo boqolkiiba 35.
Waxay sheegtay in hadii miisaaniyadda loo kordhiyo ay ku tallaabsanayaan horumar wax ku ool ah

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa ammaanay nidaamka dowlad wadaajinta oo uu sheegay inuu fududeeyay warshado wax ka beddelay nolosha shacabka

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here