DHAGEYSO:Kulan wasiiro Su’aalo lagu Waydiinayo oo Muqdisho

Wasiirada Maaliyada iyo Qorshaynta qaranka ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulan ay dhalinyaradu Su’aalo ku waydiinayeen.
Dhalinyarada ayaa su’aalihii ay wasiirada weydiinayeenw axay u badnaayeen Guulaha laga gaaray kobcinta dhaqaalaha gudaha. Dayn-cafinta,Maalgashiga iyo shaqo Abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Dhalinyarada Maandhis oo kulankaan sadexdii biloodba amr qabtaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhalinyarada aqoonta leh fursado shaqo loo abuuro loona maalgaliyo.

Wasiirka wasaarada Qorshaynta,Maalgashiga iyo Hormarinta dhaqaalaha dowalda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayay ka soo qaybgaleyaasho ku waydiinyeen su’aalo la xiriira qorshaha qaranka ee Sagaalaad, Yaranta Saboolnimada,sida maamul goboleedyada deeqaha loogu qaybiyo iyo maaraynta Canshuuraha gobolka Banaadir.
Wuxuuna ka jawaabay dhamaan qodobadaasi la su’aalay wallow uu sheeegay inaan deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag aan la gaadhsiin mashaartiicdii loo baahnaa maadaama ay deegaanadaas isku qilaafsan yihiin Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Wasiirka maaliyada C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa isna wax laga waydiiyay canshuuraha dekedaha Soomaaliya,lacagta shilin soomaaliga,daycafiska iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here