DHAGEYSO:Kulanka BBI ee waqooyi bari oo lagu qabanaya Garissa

Waxaa maanta magaalada Garissa lagu qabanayaa qeybta kulamada ku aaddan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI kaasoo loogu talagalay ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Shirkan ayaa noqonaya midkii lixaad ee la qabto marka laga soo tago kuwii Kisii, Kakamega, Mombasa, Kitui iyo Narok.
Waxaa ka qeyb galaya madaxda la soo doortay , kuwa golayaasha sharci dejinta sida magacaabidda ah ku galay iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Kulamadan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay in shacabka lagu wacyigeliyo arrimaha BBI sido kalena la soo bandhigo waxyaabaha ay dani ugu jirto dadweynaha waqooyi bari ee ay doonayaan in la tixgeliyo si loogu biiriyo isbeddeladda wadanka ka jiro.
Guddiga BBI oo ay xubno ka yihiin ilaa 14 mas’uuliyiin ah ayaa waxaa hoggaamiyo senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji.
Waxaa guddigan la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii dhexmaray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM,Raila Odinga wuxuuna diiradda saaraya mideynta Kenyaanka.
Shalay ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane uu shir guddoomiyay kulan hor dhac ahaa oo mas’uuliyiinta ay uga arrinsanayeen qodobbada la filayo in maanta la soo bandhigo.
Arrimaha ugu waaweyn ee lagu wado in laga hadlo waxaa ka mid ah xal u helidda amni darrada iyo macallimiinta gobolka laga soo wareejiyay

Guddoomiyaha Garissa ayaa ka hadlay faaiidooyinka laga dhaxlay nidaamka dowlad wadaajinta ee dalka laga dhaqangeliyay sannadkii 2013-kii .

Cali Bunow Qorane ayaa soo hadal qaaday arrimaha ugu muhiimsan ee ay doonayaan in mudnaanta koobaad la siiyo.

Waxaa uu madaxda iyo shacabka gobolka ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii ay uga faaiidaysan lahaayeen horumarrada la filayo in BBI ay wadanka u horseedo.
Hoggaamiyaha Garissa ayaa dhanka kale soo jeediyay in dhinac la isaga dhigo kala duwanaanshaha siyaasadeed oo diiradda la saaro ka shaqeynta danta guud.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay taagerayaan soo jeedinnada ah in wadanka uu lahaado ra’iisul wasaare sido kalena la soo dhiso maamul goboleedyo.

Dhanka kale Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Garissa ee sanad ka hor qandaraaska ka qaatay dowladda ismaamulka ayaa soo dhaweeyay sido kalena sheegay inay taagerayaan barnaamijka guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI waxayna ku baaqeen in warbixinta kama dambeyska ah ee BBI lagu daro qodobbo barasaabyada ku qasbaya in la bixiyo lacagaha qandaraaslayaasha ay ku yeeshaan dowlad deegaannada .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here