DHAGEYSO:Kulanka BBI oo maanta lagu qabanaya Meru

Waxaa maanta ismaamulka Meru lagu qabanayaa qeybta kulamada ku aaddan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI
Shirkan ayaa noqonaya midkii todobaad ee la qabto marka laga soo tago kuwii ka dhacay ismaamullada Kisii, Kakamega, Mombasa, Kitui, Narok iyo Garissa.
Waxaa ka qeyb galaya madaxda la soo doortay , hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM horayna u soo noqday ra’iisul wasaaraha dalka Mr. Raila Odinga iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Kulamadan ayaa ujeedada laga leeyahay waxay tahay in shacabka lagu wacyigeliyo arrimaha BBI sido kalena la soo bandhigo waxyaabaha ay dani ugu jirto dadweynaha ismaamulka Meru ee ay doonayaan in la tixgeliyo si loogu biiriyo isbeddelada wadanka ka jiro.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Meru Kiraitu Murungi ayaa ku adkaystay in hoggaamiyeyaasha kaliya ee ka socda gobolka Mount Kenya loo oggolaan doono inay ka hadlaan goobta inta lagu guda jiro isu soo baxa maanta ee Meru, Isaga oo dhanka kale ugu baaqay martida ka soo qeyb geli doonta isu soo baaxa in kaliya ee dhageystaan.

Guddiga BBI oo ay xubno ka yihiin ilaa 14 mas’uuliyiin ah ayaa waxaa hoggaamiyo senetarka ismaamulka Garissa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here