DHAGEYSO:Laamaha amaanka degmada Guriceel oo amaro soo saaray

Laamaha Ammaanka degmada guriceel ee gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya ayaa soo saaray Amaro culus oo dhinaca Amniga ah,kuwaasoo ku socda shacabka ku nool degmadaasi Guriceel.
Taliyaha Booliska degmada Guriceel Daahir Faarax ayaa Warbaahinta u Akhriyey Amarada ay soo saareen oo ka kooban dowr qodob,kuwaasoo kala ah in laamaha Ammaanka ay la wareegayaan hub kasta oo Sharci darro ah oo aysab laamaha Amniga laheyn ee lagu arko Magaalada Guriceel,In Magalada ay mamnuuc ka tahay in lagu dhex wato Gaadiidka Muraayadaha Madow leh,cidii lagu arkaana tallaabo laga qaadi doono mudo loo qabtay kadib.
Iyo In Cid kasta ama gaadiid kasta ee doonaya inuu aado deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab ama ka yimaada ay kusoo wargeliyaan laamaha Ammaanka ee degmada ayaodo qof horay sababo amaan iyo kuwo anshax Magaalada looga saaray aan la ogolaanayn inuu markale ku soo laabto degmada Guriceel.

Dhanka kale Maamulka Magaalada Dhuusamareeb Gaar ahaan xafiiska Amniga & siyaasada ayaa soo saarey amar ku saabsan in Dadka leh xoolaha ku dayacan wadooyinka Caasimada Maamulka Galmudug ay Muddo 48 saacadood godahood ah ku xareystaan xoolahooda.
Guddoomiye kuxigeenka Amniga Magalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan aruurinta dhamaan xoolaha ku sugan wadooyinka Maagaladaasi,dadka leh xoolahaasna la saari doono ganaax lacageed oo dhan 100 kun oo shilling Soomaali ah maalintiiba.
Sidoo kale guddoomiye kuxiegenka ayaa ku amrey guddoomiyaasha shanta Xaafadood ee Magaalada Dhuusaareeb inay dhaqan galiyaan Amarkaan, iyagoo kaashanaya laamaha Amniga Ee Caasimadda Dhuusamareeb.
Ugu dambeyn wuxuu ku wargeliyey Shacabka ku nool Magaalada dhuusamareeb inay dhawaan bilaabi doonaan Diiwaan gelinta tira koobka Guryaha Magaalada si loo xaqiijiyo aminigooda, iyadoo Bilaaban Doonta Maalinta Sabtida ah ee ay Taariikhdu ku beegan tahay 11 Bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here