DHAGEYSO:Laba Sano oo ka soo wareegtay Xasuuqii Soobe.

Maanta oo kale 14-kii Bishii October sanadkii 2017 Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska soobe oo hada loo bixiyey 14- October waxa ka dhacay qarixii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca,waxaana haatan laga joogaa mudo laba Sano ah kadib markii ay musiibadaasi dhacday.
Qaraxaas ayaa waxaa ku waxyeeloobey in ka badan 1000 qof, iyadoo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu qarxiyay waddo aad u mashquul badanaydn oo ku taala Bartamaha Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana dadka ugu badan ee ay waxyeeladu ka soo gaartay ahaayeen dad Ganacsiyo ku lahaa Isgoyskaasi,kuwo Baabuur xiligaas Saxmad ku jirtay la Socday iyo kuwo wadada marayay.
Maanta ayaa sanadkii labaad la dhigayaa xuska xasuusta qarixii Soobe, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu soo qaban qaabiyey xuska Maalintaan,isla markaana siwyen looga dareemayo Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliyeed iyo kuwa Gobolka Banaadir,ayaa saakay ku howlan ka qeybgalka xuska 14-ka Oktoobar oo maalin Madow u ah dadka Soomaaliyeed si gaar ahna Xasuus ugu reebtay kuwii goob jooga ka ahaa musiibadaasi.
Dadweyne fara badanayaa sidoo kale isu diyaarinaya saaka ka qayb galka xuska Qaraxii 14kii October ee sanadkii 2017-kii maanta oo kale ka dhacey Isgoyskii Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Kadib markii Qaraxaas musiibada ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya laba Sano ka hor ayaa waxaa gudaha dalka Soomaaliya ka bilowday dhalinyaro u istagaay difaaca dalkooda waakan mid ka mid ah dhalinyarada xiligaas qaatay go’aanka ah inuu ku biro ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed si uu qarankiisa u difaaca,kaasoo ka tirsan guudtada 14-ka October ee Ciidamada Xoogga.

 

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey,waxaana xiran Maanta qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Caasimada sidoo kale waxaa Ciidamo heegan sare ku jira lagu arkayaa goobaha ugu muhiimsan ee Caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here