DHAGEYSO:Lacagta lagu xiray Musharaxiinta Xildhibaanada oo walaac laga muujiyay

Kaddib markii dhawaan la soo saaray jadwalka Doorashada Soomaaliya iyo Shuruudaha doorashooyinka lagu galaayo ayaa waxaa hadda soo baxaya cabasho la xiriirta lacagaha lagu xiray dadka doonayay inay qabtaan Xilalka Xildhibaanada Soomaaliya.
Kuraasta Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya qofka doonaya ayaa waxaa laga doonayaa inuu bixiyo lacag gaaraysa 10 kun oo dollar halka Xilka Aqalka Sare dadka doonaya laga rabo inay Bixiyaan Lacag gaaraysa 20 kun oo dollar waxaana hadda soo yeeraysa inay jiri doonaan dad badan oo Xilalkaan u hanqal taagayay balse Lacagtaan Caqabad ku noqon doonto.
Dr Cabdi Caaye oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha shacabka Soomaaliya ayaaa sheegay in sharuudaha lagu Xiray Qofka ka mid noqonaya Musharaxiinta Kuraasta Xildhibanaada Soo socda ee Soomaaliya ay Dhabar Jab ku tahay dhalinyarada taasoo badalkeeda ay fursad u tahay dadka haysta Lacaga adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here