DHAGEYSO:Lamu oo laga soo sheegaya in shacabka ay fududeysanayaan cudurka COVID19

In badan oo ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa lagu soo warramayaa inay u muuqdaan kuwo is dhigtay oo aan ku baraarugsaneyn halista cudurka COVID19.
Waxaa yaraaday tirada dadka ee adeegsanaya maaskarada ama afxirka sidoo kalena si joogto ah gacmaha u dhaqanaya.
Sidoo kale qaar ka mid ah shacabka halkaas ku nool ayaa walaac ka muujinaya inaan la raacayn amarka dowladda ee ah in la kala fogaado waxayna doonayaan in dhammaan dadweynaha ay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan badqabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here