DHAGEYSO:Maalinka qaran ee halyeeyada oo dalka laga xusaya

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta shacabka ku hoggaamin doono dabbaal degga maalinka qaran ee halyeeyada ee sannadka 2020-ka.
Munaasabadda ugu weyn ee xuska maalinkan ayaa lagu qabanayaa ismaamulka Kisii gaar ahaan garoonka Gusii Stadium iyadoo amniga aad loo adkeeyay.
Dabbaal deggan ayaa sannad kasta la sameeyaa 20-ka bisha Oktoobar oo maanta ku beegan si loo xusuusto noloshii halyeeyadii u soo halgamay xornimada Kenya.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in si weyn loogu diyaar garoobay xafladdan.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in garoonka Gusii Stadium ay fariisan doonaan 3500 oo qof in kastoo uu qaadi karo ilaa 25,000.
Tirada ka qayb galayaasha xafladda ee la dhimay ayaa lagu saleeyay xaqiijinta in dadka aynan aad isugu dhawaan si looga hor tago faafidda cudurka COVID19.
Karanja Kibicho ayaa sidoo kale xusay in heemado lagu diyaariyay garoonka kale ee Kisii Golf Club oo ay ugu yaraan 8,000 oo qof munaasabadda kala socon karaan telefishinada dalka.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Nyanza Mugo Mutindika ayaa warbaahinta u sheegay in amniga Kisii la sugay si looga hor tago wax kasta oo khakhal gelin karo xuska maalinka qaran ee halyeeyada.
Sidoo kale shacabka ka qayb galaya dabbaal deggan ayaa loogu baaqay inay ilaaliyaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee looga hor tagaya faafitaanta COVID19.
Qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Kisii gaar ahaan haweenka ayaa doonaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku dhawaaqo tallaabooyin dib loogu soo noleynaya dhaqaalaha.
Waxay sidoo kale sheegeen inay dowladda uga baahan yihiin inay u sameyso maalgashi dhanka ganacsiga ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here