DHAGEYSO:Maamul cusub oo loo Magacaabay degmada Waajid

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Maamul goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maamul u cusub u magacaabey degmada Waajid ee gobolka bokool.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Waajid loogu Magacaabey Maxamed Yuusuf Cali halka Guddoomiye kuxigeenka koobaad loo magacaabey Mukhtaar Axmed Xasan, Guddoomiye kuxigeenka labaadn waxaa loo Magacaabay Adan Xassan Axmed Adan guud halka halka Cali Guuraaw Maxamed loo magacaabay Xoghayaha guud ee dowlada hoose.
Ugu dambeyn mas’uuliyiinta Cusub ee Maamulka degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa la faray inay si wanaagsan u gutaan Shaqadooda islamarkaasna ay u adeegaan shacabka ay Matalaan eek u nool degmada Waajid.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xassan Maxamed Lafta Gareen ayaa xariga ka jaray xarunta maxkamadda degmada Xuddur oo dadka deegaanku isxilqaan ku dhisteen.
Gudoomiyaha degmada Xudur, gudoomiyaha gudiga isxilqaan ee dhismaha Maxkamada Degmada Xudur iyo wasiirka cadaalada Maamulka koonfur Galbeed ayaa bulshada ku bogaadiyay inay markasta ka shaqeeyaan hormarka deegaankooda.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xassan Maxamed Lafta Gareen ayaa bulshada reer Xudur ku amaanay kaalinta ay ka qaateen Barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta Guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here