DHAGEYSO:Maamulada Puntland iyo Galmudug oo iska kaashanaya amaanka.

Shir muddo laba Maalin ah uga socday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Hogaamiyeyaash Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa qodobada laga soo saaray waxaa kamid ahaa iskaashi la xiriira dhinaca Amniga iyo qodobo kale oo ay dhinacyadaas wadaagaan.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in labada maamul ay isla garteen ilaalinta iyo xoojinta Midnimada dadka Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaamka Federaalka.
Sidoo kale dhinaca Amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si gaar ah amniga degaannada Gobolka Mudug oo marraka qaar ay weeraro kala duwan ka fuliyaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay wada maamulaan Maamulada Galmudug & Puntland ayaa waxaa marraka qaar ka dhaca falal amni darro, iyadoo dhawaan weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Puntland Axmed Muuse Nuur Yare sidoo kale waxaa dhawaan gobolkaas laga bilaabay howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo oo ay iska kaashanayaan ciidamada labada Maamul iyo kuwa dowlada dhexe ee gobolkaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here