DHAGEYSO:Maamulaha Iskuulka Al-Ma,muun ee degmada Guriceel oo ka codsaday Wasaaradda Waxbarashada Galmudug in dib loo dhigo qaadista imtixaanka fasalka ugu danbeeyey dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa dhawaan ku dhawaaqday go,aan ku aadan ka hortaga cudurka corona virus iyadoo wasaaraddu ay sheegtay in la fasaxay iskuulada deegaanad Galmudug
maamulaha iskuulka Al ma,muun Macalin Cabdulqaadir Sheekhoow oo la hadlay idaacadda Star FM ayaa sheegay in maanta oo sabti ah la meel marin doono go,aankii dowladda federaalka iyo kan wasaaradda waxbarashada Galmudug
waxaa uu sheegay in ay tahay talaabo loo baahan yahay ilaalinta bad qabka bulshada isla markaana ay fasax geli doonaan ardada iskuulada deegaanada Galmudug
waxaa uu intaa ku daray in uu jiro culeeys ku soo fool leh ardada maadaama imtixaankii fasalka ugu danbeeya dugsiga sare laga soo hormariyey waqtigiisii

Sheekhoow ayaa codsi uu u diray wasaaradda waxbarashada waxaa uu ugu baaqay in dib loo dhigo waqtigii loo asteeyey in la qaado imtixaanka maadaama markii hore laga soo hormariyey xiligii la geli jiray isla markaana uu haddana yimid fasaxa corona virus awgiis

maamulaha iskuulka Al ma,muun ayaa ugu baaqay waalidiinta in ay ilaaliyaan caruurtooda oo aysan u ogalaan in ay tagaan meelaha bulshadu isugu timaado ardaduna ay ka faa,iideeystaan fasaxa oo ay sii akhristaan cashiradii ay horay u soo qaateen maadaama laga yaabo in aysan fasax kale dib ka helin

go,aanka fasaxa iskuulada deegaanada Galmudug ayaa imaanaya iyadoo ra,iisul wasaaraha Soomaaliya uu horay ugu dhawaaqay in la fasaxay dhamaanba goobaha waxbarashada dalka si looga hortago in gudaha dalka uu ku faafo cudurka corona virus oo halkiis laga helay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here