DHAGEYSO:Maamulka caafimaadka Guriceel oo ka hadlay dadka u geeriyooday Covid-19

Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Degmada Guriceel Nafiso Maxamed Nuur ayaa sheegtay in dad qabo calaamadaha Corona Virus oo ku sugan degmada ay la xiriireen lambarka gaaban ee 449 oo ah mid Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ay u sameeysay si ay ula soo xiriiraan dadka isaga shakiya xanuunkan.
Waxay hoosta ka xarriqday in ay jiraan dad iyaga oo ay ka muuqdaan calaamadaha xanuunkan tagay isbitaalada deegaanka kaddibna geeriyooday

Dadka laga qaaday tijaabada oo loo diray Muqdisho ayay agaasimaha sheegtay in aysan sugi Karin jawaabta baaritaankooda, inta la sugayo natiijadana ay dhacdo ka bogsasho ama dhimasho soo wajahda bukaanada.
Bahda caafimaadka ee deegaanka iyo ganacsatada ayay ugu baaqday in la iska gacan siiyo sidii loo badbaadin lahaa bulshada guud ee Guriceel iyaga oo xaruun karantiil ka sameeystay qayb ka mid ah isbitaalka Istarliin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here