DHAGEYSO:Maamulka Caasimadda Galmudug iyo Ciidamada Dowladda oo ka shaqeeynaya in la kala qaado maleeshiyaadkii ku dagaalamay Qalanqale

Deegaan lagu magacaabo Qalanqale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiya beeleed oo isku haya dhul baraago laga qoday halkaasi.
Maamulka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ku baxay halka lagu dagaalamay waxaana Bashiir Maxamed Salaad oo ah Agaasimaha Warfaafinta Maamulka Dhuusamareeb uu u sheegay idaacadda Star FM in mas’uuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Caasimadda Galmudug Macalin Cabdiraxmaan Geeda Qoroow iyo ciidamo ka tirsan dowladda ay ku hawlan yihiin meel marinta kala qaadista maleeshiyaadka dagaalamay

Dhanka kale bulshada degmada Guriceel ayaa ku baaqay in la joojiyo Colaadda ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud
Nabadoon Asad Cartan Sheekh Doon oo ka mid ah Isimada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa dadka dagaalamayo ugu baaqay inay joojiyaan colaadda wixii tabasho ahna ay wada hadal ku xaliyaan

Axmed Maxamuud Guleed Kaftamaaye oo u hadla bulshada rayidka ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in lagu dagaalamo godad la qodayo kuwaas oo laga sameeyo baraago biyo lagu keydsado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here