DHAGEYSO:Maamulka Cusub ee degmada Shibis oo bulshada degmadaasi cadaaladda u balan qaaday

Guddoomiyaha cusub degmada Shibis ee gobolka Banaadir Cali Axmed Cabdulle ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa wuxuuna Balan qaaday inuu Cadaaladda ugu shaqayn doono shacabka ku nool degmadaasi.
Wuxuu Xusay in marka Cadaalad la helo ay noloshu wanaagsanaanayso sidaas darteedna ay markasta isaga ka go’an tahay inuu ahmiyadiisa koobaad ka dhigo u cadaaladda falka dadka uu masuulka ka yahay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Cumur Filish ayaa dhankiisa sheegay inuu guddoomiyaha Cusub ee degmada Shibis si wanaagsan ugu Kalsoon yahay wuxuuna dhanka kale Tilmaamay Waxyaabaha Mashaariicda iyo dhismooyinka lagu guulaysatay in degmada Shibis laga Hirgaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here