DHAGEYSO:Maamulka Dhuusamareeb oo beeniyay in la arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud ayaa xalay laga baahiyey in lagu arkay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab .
Maamulka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa wararkaas beeniyay.
Bashiir Maxamed Salaad oo warfaafinta u qaabilsan maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa gaashaanka u daruuray in Al-shabaab ay ceeldheere yimaadeen, waxaa ku tilmaamay dadka wararkaas faafiyey in ay yihiin dad shabaabka ku taageera baraha bulshada.
Waxaa uu Bashiir uga digay bulshada inay ku dagmaan waxyaabaha ay faafinayaan dad uu ku tilmaamay kuwo deegaanka khalkhal ka wado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here