DHAGEYSO:Maamulka dugsi ku yaalla Guriceel oo ka jawaabay eedeyn loo jeediyay

Warqad ka soo baxday xafiiska Agaasimaha waaxda Waxbarashada ee Galmudug Cabdiqani Cartan Maxamed ayaa lagu sheegay in iskuulka Ablaal uu jabiyey amarkii dowladda federaalka iyo kan dowlad goboleedka ee ahaa in ay fasax yihiin iskuulada iyo goobaha kale ee wax lagu barto
Agaasimaha ayaa sheegay in iskuulku 15-kii bishan uu arday u fariisiyey imtixaanka fasalka 12aad taas oo uu sheegay agaasimuhu in ay si cad u jabisay amarkii dowladda
Dugsiga Ablaal ee degmada Guriceel ayaa ka jawaabay warka ka soo yeeray Agasimaha Waaxda Waxbarashada Wasaaradda Waxbarashada Galmudug
Axmed Cumar Cismaan maamule ku xigeenka iskuulka ablaal ee degmada Guriceel ayaan wax ka weydiiyey sida ay u arkaan eedda loo jeediyey iyo ruqsadda lagala laabtay iskuulka Ablaal ee gobolka Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here