DHAGEYSO:Maamulka duulista dalka oo faahfaahin ka bixiyay diyaarad soo dhacday

Maamulka dowladda dhexe u qaabilsan maareynta duulimaadyada ee KCAA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in saaka shil diyaaradeed uu ka dhacay gagida Wilson ee magaaladatani Nairobi.
Qoraal waaxdan ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ayaa muujinaya in nambarka duulimaadka ee diyaaradaasi uu yahay SLR 621 halka nambarka lagu diiwaangeliyayna uu yahay 5Y-IZO
KCAA ayaa intaasi ku dartay in diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Silverstone ay soo dhacday 9:02 ee saaka xilli ay garoonkaasi ka duulaysay.
Waxay sidday rakaab ay tiradoodu gaarayso 55 qof oo ku wajahnaa magaalada Mombasa ee gobolka xeebta.
Ma jirto cid dhacdadaasi ku dhimatay balse dadka qaar oo ay dhaawacyo culus soo gaareen ayaa isbitaalada caasimadda lagu daaweynayaa.
Qoraalka KCAA waxaa qeyb ka ah in saddex ka mid ah rakaabka oo aad isugu naxay la caawinayo .
Agaasimaha guud ee maamulka duulista dalka Gilbert M. Kibe ayaa sido kale sheegay in hadda garoonkaasi ay ku suganyihiin saraakiisha waaxda baaritaanada ku sameysa shilalka diyaaradeed ee AAID.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa dhankeeda sheegtay inay garoonka diyaaradaha ee Wilson dhexdhiisa ka sameysay qeyb gaar ah oo loogu talagalay in cawimaad ama la talin dhanka maskaxda ah lagu siiyo dadka ay arrintan saameysay .
Kenya Red Cross ayaa intaasi ku dartay in diyaaradda ay yar taraaraxday kaddib markii cillad farsamo ay ku timid.
Diyaaraddan oo ah nooca Fokker 50 ayaa u kala gooshaysay magaalooyinka Mombasa , Lamu iyo Nairobi.
Shirkadda Silverstone ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalaha iyo rakaabka diyaaradda laga soo dhex saaray iyadoo hadda maamulada kala duwan ay qiimeyn sameynayaan.
Qaar ka mid ah dadka ka ag-dhawaa garoonka Wilson oo warbaahinta u warramay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here