DHAGEYSO:Maamulka feeriga Likoni oo ka hadlay isbuurasho shalay dhacday

Maamulka maareeya adeegga marinka Likoni ee ismaamulka Mombasa gobolka xeebta ayaa sheegay in 14 qof ay ku dhaawacmeen isbuurasho shalay galab halkaas ka dhacday.
Marinka ayaa ah mid aad u mashquul badan oo ay dadka ka gudbaan.
Qaar ka mid ah shacabka Mombasa oo warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen ayaa dareenkooda sidan u muujiyay

Shaqaalaha Hay’adda laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa u gurmaday dadkii dhaawacmay.
Isbuurashada ayaa timid iyadoo uu halkaas ka jiray ciriiri sababay in dadka qaar ay sugaan saacado maadaama ay kaliya seddex feeri shaqeynayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here