DHAGEYSO:Maamulka Galmudug oo heshiis kala dhex dhigay Maleeshiyo beeleed dhawaan ku dagaalamay gobolka Galgaduud

Waxaa heshiis la kala dhex dhigay Labo maleeshiyo beeleed oo dhawaan ay dirir ku dhexmartay deegaanka lagu Magacaabo Qalaanqale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Howshaan oo in muda ah soo socotay uuna garwadeen ka ahaa maamulka Galmudug oo Wakiisha gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhanka kala qayb ka qaatay Ciidamada qalbka sida ee gobolkaas ku sugan.
Heshiiskaan ayaa laga soo saaray qodobo muhiim u ah sidii uu ku noqon lahaa mid waara Waxaana Warbaahinta qodobada u aqriyay Bashiir Maxamed Salaad oo ka tirsan maamulka degmada dhuusamareeb

Labo nabadoon oo ka kala socday maleeshiyaadka dagaalamay ayaa dhankooda faahfaahiyay waxyaabaha ay ku heshiiyeen ayagoo dhanka kale soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray Colaadaas.

Ugu danbayntii gudoomiyaha Magaalada dhuusamareeb Macalim C/raxmaan Cali Maxamed Geeda qorow ayaa bogaadiyay heshiiskaan maadaama maamulkiisu hormuud ka ahaa qorshahaan nabada

dhanka kale waxaa Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanka Bandiiradleey ee Gobolka Mudug uu ka furmo Shir dib u-heshisiineed Islamarkaana u dhaxeeya maleeshiyo ka soo kala jeedda Galmudug iyo Puntland oo dhawaan ku dagaalamay degaanka Taaroge ee isna ka tirsan Galbeedka Gobolka Mudug.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya Odayaasha labada dhinac ee dagaalamay iyo mas’uuliyiin ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii xal buuxa looga gaari lahaa dagaalada soo noq noqday ee ka dhacay degaanka Taaroge ee Galbeedka Gobolka Mudug, in kastoo xilligaan xaalada degaanka ay tahay mid degan.
Dagaal beeleedkii ka dhacay degaanka Taaroge ee Galbeedka Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo sidoo kale barakaca dad badan oo ka cabsi qabay in uu waxyeelo kasoo gaaro dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here