DHAGEYSO:Maamulka Galmudug oo hub ka dhigid ku Samaynaya Maleeshiyaad ku sugan gobolka Galgaduud

Wasiirka amaniga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyeen wasiirada Dekedaha iyo Kaluumaysiga,Bay’ada iyo Hormarinta reer Miyiga iyo Saraakiil Ciidan oo Galmudug ka tirsan ayaa waxay Booqasho ku tageen Xerada lagu Magacaabo Dhaanka-Roone ee dhacda duleedka Galbeed ee Magaalada Galinsoor Gobolka Galgaduud iyo xero kale oo ku taalada duleedka Magaalada Cadaado.
Wafdigaan wasiirada ah ayaa waxay Qorshaynayaan hirgalinta wajiga labaad ee xaraynta Maleeshiyadka iyo gadiidka dagaal ee ay wataan kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Tababarada ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug.
Wasiirka amaniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan hubka dhigista dhamaan Maleeshiyaadka Hubaysan ee deegaanada Maamulkaas ku sugan gaar ahaan gobolka Galgaduud maadaama la soo gabagabeeyay kuwii ku sugnaa gobolka Mudug.

Tan iyo markii wasiirka amniga Galmudug loo magacaabay Axmed Macalin fiqi howshii ugu weynayd ee uu qabto ayaa hayd inuu hubka ka aruuriyo Maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanada Maamulkaas si loogu badalo ciidanka Daraawiishta Galmudug islamarkaana meesha looga saaro dagaalo beeleedyada ay sababi jireen Maleeshiyaadka hubaysan ee deegaanada maamulkaad ku soo lalaban jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here